Qodobada ugu mudnaanta badan barbaarinta ubadka?

Qodobada ugu mudnaanta badan barbaarinta ubadka?

1, Ha ku cabsiin ilmahaaga jinka, waraabaha, mugdiga, waliba marka uu ooyayo. 2, U suurta gali ilmahaaga inay dhexgalaan caruurta kale, haddii aysan lahayn caruurtaasi wax aad uga baqayso ilmahaaga. 3, Ha liidin ilmahaaga, waliba dadka hortooda haku xumaynin ilmahaaga. 4, Ha ugu yeerin ilmahaaga tilmaamo cay ah, sida inaad ku tiraahdo kale doqonyahow, dabaal, tuug iwm. 5,Ku baraaruji qaladka uu galo, hana dul bixin dhangad adigoon u digin. 6,Si dabacsan ugu sheeg qaladka uu galo, ha ku ciqaabinna qaladka ugu horeeya. 7,Jacaylka ubadkaaga ha noqdo mid dhexdhexaad ah, dareensii inaad jecashahay laakiin ha ka badinin koolkoolinta siyaadada ah. 8, U diyaar garaw ilmahaaga marka uu soo dhalanayo. 9, Ilmaha wayn ee sii joogay waxaad bartaa inuu u adeego hooyadiis, una keeno dharka nuunaha, waayo haddii aan la dareensiin inuu ka wayn yahay nuunaha waxaa dhici karta inuu xiqdi u qaado, deetana naco isagoo waliba u arkaya in la afgambiyey lana boostuuray. 10, Kula dhaqan ilmahaaga garsoor, ha u kala eexan, waayo eexashadu waxay ka mid tahay waxa ugu badan ee keena fakashada iyo kani adayga. 11, ilmaha mar walbo u sheeg ineey yihiin kuwa ugu caqliga badan 12,Ilmahaada marka uu wax kuu sheegaayo dhagta u raarici oo hadalka haku celin sida aan sameeyno inteena badan 13, ugu danbeyn hooyo walbo iyo aabe walbo ha u duceeyo ubadkiisa oo ale u bari inuu kuu wanaajiyo maxaa yeelay ale qofkuu hanuun la doono ayaa hanuuno Inta Inta aan ubad heeysan owlaad ay ku il doogsadaan alaha siiyo Inta guurdoonka ah neh guur qeyr qaba ay ku dagaan alaha siiyo Inta kurbeysan kurbada alaha ka feeydo