Cuntooyinka xiligga Naas-Nuujinta
Hooyo walba oo naas-nuujinayso waxay is waydiinaysaa nooca cuntada ay #ubaahanyahay inay qaadato si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha uu ubahanyahay iyo nafaqo ku filan. Naas-nuujintu waa habka ugu wanaagsan Ee ilmuhu kuhelo #nafaqada aasaasiga. Cuntooyinka u wanaagsan Hooyoda nuujisa waxaa ka mid ah: 1. Khudaar cagaaran Ee caleemaha leh : khudaarbtaan waxay qani ku tahay fiitaaminada : vitamin A, vitamin C, folate, vitamin K, iyo macdanta : magnesium, calcium, iron iyo potassium waxayna daruuri u yihiin hooyada nuujinayso si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha iyo nafaqada u ubaahanyahay . 2. #Sareenka iyo cuntada baalka leh : waxa kubadan macdanta #iron tasoo qaybka ah unugyada dhiigga muhiimna u ah hooyada si looga hortaga dhiig yari oo keeni karto soosaarista caaanaha oo yaraado. 3. Toonta :waxa kujiro qaybaha kaladuwan ee nafaqada sida fiitamiinada Vitamin C , Vitamin B6 , Thiamine (B1) iyo macdanta : Calcium, Magnesium , Phosphorus , iyo Iron waxayna kamidtahay khudaarta ugu waxtarka badan sida la ogaaday 4. Babaayga cagaaran : khudaartaan waxay ka qayb qaadataa soo saarista dheecaanka layiraah oxytocin oo keento in murquhu isku soo ururaan si loohelo awood caanaha lagu soosaari karo. 5. Karootada : waxay kamidtahay khudaarta qaniga ku ah #vitamin A oo muhiim u ah hooyada xiliga naas-nuujinta vitamin A wuxu daruuri u yahay korniimada ilmaha. 6. Biyaha : caanaha xaddiga ugubadan waxay ka koobanyihiin biyo hooyada nuujinayso waa inay cabtaa maalintiiba ugu yaran labo litir (2 liters) oo biyaa. 7. Duxda layiraah omega-3 oo laga helo kalluunka iyo ukunta waxayna aasaasi u tahay korniimada maskax ahaaneed ee ilmaha.